Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Axmed Aadan oo dil arxan daran dhawaan Muqdisho loogu geystay

0
63

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Axmed Aadan oo dil arxan daran dhawaan Muqdisho loogu geystay.

 

Hargeysa-27-02-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo duleedka Koonfureed Galbeed ee xabaalaha masallaha Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo dhawaan si arxan daran loogu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

 

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo ahaa marxuumkii labaad ee muqdisho loogu dilo arrimaha hawada, islamarkaana shalay meydkiisa laga soo dejiyey madaarka Cigaal, waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo shacab kale oo tiro badan, waxana goobta jinaasada laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka sida axmaqnimada ah loo dilay, ehelka iyo qaraabadana loogu rajeynayo inuu Eebbe samir ka siiyo.

 

Ugu horrayn, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, waxbarashada, Horumarinta Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga iyo caddaaladda oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku, waxana ay dilkiisa ku sifeeyeen jariimad weyn oo laga galay shacabka reer Somaliland.

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna tacsiyeeyey ehellada marxuumka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, waxana ay farriin u direen cid kasta oo reer Somaliland ah oo ku fikiraysa inay Soomaaliya tagto.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland-ba, waxana uu marxuumka ku sifeeyey Ahlu-diin aqoon durugsan u lahaa shareecada Islaamka, dilkiisana laga xisaabtami doono.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey waxa laga yeelayo meydka marxuumka ay u taallo reer Somaliland, calaacalna aanay geli doonin, waxana uu yidhi,“Meydkana waa la Aasi arrinna waynu ka Tashan, Somaliland-na uma Oydo meydka ee way ka tashataa, waxa laga yeelayaana Somaliland bay u taallaa meydkana waynu Aasaynaa.”

Wa-bilaahi Tawfiiq