Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo Sameeyey Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo Muqdisho lagu Dilay

0
62

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo Sameeyey Marxuum Cabdinaasir  Muuse Dahable oo Muqdisho lagu Dilay

 

Gabiley-25-02-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo magaalada Gabiley loogu sameeyey marxuum Cabdinasir Muuse Dahable oo dhawaan dil shirqool ah loogu geystay magaalada Muqdisho, shalayna meydkiisa laga soo dejiyey madaarka Cigaal ee caasimadda Hargeysa.

 

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno ka mida baarlamaanka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay axsaabta mucaaridka, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor iyo Boqollaal katirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

 

Ugu horrayn, waxa goobta jinaasada hadallo  tacsi ah ka jeediyey xubno katirsan golaha wasiirrada, kuwaas oo tacsi u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo si arxan daran loogu dilay magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Giirre oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray ehelllada uu marxuumku ka geeriyooday iyo guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu dilkaas ku tilmaamay mid cadaawad salka ku haya oo laga xisaabtami doono.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsiyeeyey ehelka iyo qaraabada uu marxuumku ka baxay iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable, dilkiisuna colaad riiq-dheeraata abuurayo, waxana uu yidhi,“Tan oo oo kale looma Ooyo ee waddo loo maro ayey leedahay, dadweynahana waxa aan leeyahay calaacal iyo Oohin midna ma laha ee weynu u ducaynaynaa, Somaliland-na colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa, waayo waa wax aan hore inoo soo marin.”

 

Madaxweynuhu waxa uu su’aal geliyey sababta keentay dilka marxuum Cabdinaasir oo shaqaale rayid ah oo siyaasadda ka durugsan ahaa, “Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee dawladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taas oo jawaabteeda haddii la waayona waa Badheedh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi tawfiiq