Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Kooxda kubbadda cagta ee Qurbajoogta Reer Somaliland ee dalka UK.

0
57

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Kooxda kubbadda cagta ee Qurbajoogta Reer Somaliland ee dalka UK.

 

  Hargeysa-21-02-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay koox kubbadda cagta ah oo ka socotay qurbajoogta reer Somaliland ee dalka UK oo dhawaan dalka safar ku timi.

 

Kulanka madaxweynaha iyo kooxda kubbadda cagta ee qurbajoogta reer Somaliland ee dalka UK oo ay wehelinayeen  xubno kamid ah golaha wasiirrada, agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ciyaaryahanno hore oo reer Somaliland ah, saraakiil ka socotay safaaradda Somaliland ee dalka UK, maamulka kooxda iyo qaar kamid ah waalidiinta ciyaaryahannada, waxana loogu mahadnaqay kooxda kubbadda cagta ee qurbajoogta reer UK.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ugu horrayn hadalka isu daba maray, ayaa dhallinyarada ciyaaryahannada ah dalkooda Hooyo kusoo dhaweeyey, waxanna ay uga mahadnaqeen sida xilkasnimada leh ee ay waqtiga u geliyeen barashada dalkooda iyo dhexgalka bulshada dalka gudihiisa ku nool ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka.

 

Saraakiil katirsan wasaaradda Ciyaaraha, ciyaaryahanno hore, xubno ku hadlayey Afka kooxda ciyaaryahannada ah iyo xubno ku hadlay magaca safaaradda Somaliland ee dalka UK oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta ciyaaryahannada UK ka yimi iyo kaalinta ay xukuumaddu arrintaas ka qaadatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey ciyaaryahannada cusub ee ka socday dalka UK.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bogaadiyey dhallinyarada ciyaartoyda ah oo dalkooda kusoo laabatay iyo waalidiinta dhashay ee soo dhiirrigelisay, isaga oo dalkooda kusoo dhaweeyey, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa una hambalyeynayaa dhallinyarada, waanan ku faraxsanahay inaad timaaddeen oo gobollada oo dhan soo marteen, kana soo ciyaarteen oo dadkiina barateen, waalidka keenay ee carruurta la socdayna waan soo dhaweynayaa waanan hambalyeynayaa.

 

Dhallinyarada ciyaaryahannada ee reer Somaliland ee dalka UK ku dhaqan, ayaa intii ay dalka kusoo laabteen waxa ay ciyaaro kala duwan la qaateen kooxo ay ugu tageen qaar kamid ah gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq