WAR-SAXAAFADEED.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Dalka Jabuuti.

 

Hargeysa-28-12-2023-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.

 

Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona, waxana ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa weftiga Madaxweynaha.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.