Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Xaaji Baxsane

0
68

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Xaaji Baxsane.

 

Hargeysa-27-12-2023-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Xaaji Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo maanta geeriyooday.

 

Aas Qaran oo ay madaxweynaha kala qayb-galeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsato, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, haldoor kale iyo dadweyne aad u tiro badan, ayaa salaadda jinaasada lagaga tukaday marxuumka, waxana laga jeediyey hadallo tacsi loogu dirayo ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland.

 

Ugu horrayn, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsato, siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday samo-falkii iyo wanaaggii marxuumku caanka ku ahaa intii uu noolaa iyo sidii ay astaanta ugu ahaa caawinta dadka jilicsan iyo dhismaha masaajiddada ah ee Ilaahay lagu caabudo, waxana ay tacsi u direen ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxana uu ku sifeeyey samofale goobaha khayrka leh maalkiisa ku bixin jirey.

 

Madaxweynuhu waxa uu ka sheekeeyey sifooyinkii wanaagsanaa ee marxuumku lahaa ee mudan in lagaga daydo iyo raadkii wanaagsanaa ee uu ka tegay,“Waxa la isku raacsan yahay inuu ahaa nin wanaagsan oo Ahlul cibaado ah oo wuxuu  tacbadayna muslimka oo dhan wax ka taray qaranka oo dhan wax ka taray oo ka daciifka ah wax ka taray, waxa kale oo la isku raacsan yahay inuu ahaa nin qof waliba ka ammaan helay, If iyo Aakhiro ba wuu shaqaystay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Marxuum Axmed Daahir Baxsane, ayaa kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, waxana uu caan ku ahaa samo-falka iyo dhiirrigelinta arrimaha khayriga.

Wa-bilaahi Tawfiiq