Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shacbiga Somaliland iyo Eheladii uu ka Baxay Marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane) tacsi u diray 

0
49

TACSI MADAXWEYNE: 27/12/2023

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyska iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/12/2023, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Ganacsade Sama-fale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, kana mid ahaa dadkii aaminay dalkooda ee maal-gelinta iyo ganacsiga ka hirgeliyey gudaha dalka, iyadoo ay u dheerayd inuu kaalin weyn ka geysan jiray arrimaha samafalka.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.