Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Masiibaddii Xalay ee Dabkii Suuqa Wajaale

0
155

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Masiibaddii Xalay ee Dabkii Suuqa Wajaale.

 

Hargeysa-17-09-2023-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa muwaadiniinta hantidoodii ku waayey masiibada dabkii xalay ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.

 

Madaxweynuhu isaga oo ka tiiraanyeysan dhibaatadii ka dhalatay dabkaas waxa uu muwaadiniinta hantidoodii baaba’day Eebbe uga baryayaa inuu ciwad khayr leh ka siiyo hantidoodii, isaga oo ugu baaqay inay niyaddooda wanaajiyaan, kasoo kabasho degdeg ahna u diyaar garoobaan iyaga oo Ilaahay isku xidhaya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ciidanka Dab-damiska iyo ilaalinta badqabka hantida ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen sidii dabkaa loo damin lahaa, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu u mahadnaqay ciidanka Dab-damiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo qayb-weyn ka qaatay daminta dabkii xalay, Waxaanu Madaxweynuhu hay’addaha amniga qaabilsan faray inay si hufan baadhitaan ugu sameeyaan sababaha keenaya dabkan soo noqnoqday, Ganacsataduna u hoggaansamaan tallooyinka iyo habraacayadda Ciidanka Dab-damisku siinayaan muwaadiniinta si looga hortago marwalba khataraha iyo khasaaraha badan ee ay sababayaan masiibooyinka dabku.

 

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa bulshada inteeda kale inay u kacaan sidii dadweynaha hantidoodii ku waayey dabkii baabi’iyey suuqa ganacsiga ee degmada Wajaale loogu kici lahaa, sidii dib loogu xoolayn lahaa si ay uga soo kabtaan masiibada ku habsatay, iyadoo xukuumadduna doorkeeda ka qaadanaysa.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here