Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 22aad Ee Ka Baxda Jaamacada Camuud

0
189

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 22aad Ee Ka Baxda Jaamacada Camuud.

 

Boorama-02-09-2023-(SL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka qeybgalay Xafladda Qalin-Jebinta dufcadii 22aad oo ay ka qalin jabiyeen arday gaadhaysa 1,034-arday kuwaasi oo dhamaystay  qeybaha kala duwan ee waxbarashada Jamaacada Camuud.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba Hambalyo iyo boggaadin u diray aradayda qalin-jebisay, waxaana uu sidoo kale u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacada oo uu ku ammaanay doorkooda xilkasnimada leh ay u guteen waajibaadkii kobcinta aqoonta, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sidoo kale u u mahad celiyey waalidiinta  tacabka balaadhan ee ay geliyeen Ubadkooda.

 

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal casriya oo Jaamacada Camuud kusoo kordhisay Kulliyada Caafimaadka iyo dhismaha deyrka Jaamacada oo ka kooban 6.5KM.

Wa Billaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here