Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye, Md, Axmed Cabdi Dheere ka tacsiyadeeyey Geerida ku Timi Hooyadii

0
131

TACSI MADAXWEYNE: 22/07/2023

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyskii, ehelladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xaliimo Baaruud Liibaan oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu tahay 22/07/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) oo ay marxuuumadu hooyadii ahayd iyo dhammaan qoyskii ay ka baxday.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here