Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Casho Sharaf ah ku qaabiley Madax Dhaqameedkii Iskood Isu Xilqaamay.

0
168

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Casho Sharaf ah ku qaabiley Madax Dhaqameedkii Iskood Isu Xilqaamay.

 

Hargeysa-13-07-2023-(SL)-Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay odayaashii dhaqanka ee iskood isu xilqaamay ee nabadda iyo walaaltinimada u yimid dalka si ay qayb uga noqdaan arrinta nabad ku soo dabbaalidda magaalada laascaanood.

 

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay odayaasha dedaalkooda iyo dhabar adaygii   ay Ka muujiyeen xal u helidda nabadda magaalada Laascaanood, iyaga oo muddo ku sugnaa dalka.

 

Waxaanu madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda nabad-raadinta, ka dawlad ahaana ay ku garab taaganyihiin, sidii ay horeba ugu muujiyeen kalsoonida cid kasta oo nabad u socota, collaadda Laascaanoodna wanaageeda wadda.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here