Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagaga Hadlay Doorashooyinka iyo Dooddii Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee Baarlamaanka Ingiriiska.

0
105

WAR-SAXAAFADEED

 

Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagaga Hadlay Doorashooyinka iyo Dooddii Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee Baarlamaanka Ingiriiska.

 

Hargeysa-06-07-2023-(SL)-Fadhigii 113aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, taas oo ku saabsanayd dhaqaalaha dalka.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa Golaha sharaxaad kooban ka siisey Siyaasadda Is-beddelka Cimillada Qaranka oo Golaha la hor-keenay. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ayaa sharraxaad golaha ka siiyey Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta iyo Dhawrista Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT) iyo Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber security and Cyber Crime ACT) oo golaha loo qaybiyey maanta.

 

Dhinaca kale, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane, Cabdisamad Cumar Maal oo ka soo qayb-qaatay diyaarinta Xeerarka kor ku xusan ayaa golaha warbixin sharci oo la xidhiidha xeerka iyo Siyaasadda la wadaagay golaha iyadoo lagaga doodi doono fadhiyadda dambe ee Golaha Wasiirrada.

 

 

Goluhu waxa uu isku raacay in Xukuumaddu marwalba diyaar u tahay Jedwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooynka Qaranku oo ah hay’adda keliya ee awood sharci u leh cayimaadda wakhtiga la qabanayo doorashooyinka.

 

 

Ugu danbayntii, golaha wasiirradu waxay hambalyo iyo boggaadin u direen xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska oo uu ugu horreeyo Xildhibaan Gavin Williamson, xildhibaanadii kale ee kala soo shaqeeyey iyo cid kasta oo kala qayb qaadatay Arrinta doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay hor keeneen Baarlamaanka Ingiiriska si ay uga doodaan una meel mariyaan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here