Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida Xukuumadda

0
159

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE

 Taariikh: 11 /05/2023

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1013/052023, JSL/XM/WM/222-1014/052023, JSL/XM/WM/222-1015/052023 iyo JSL/XM/WM/222-1016/052023 uu xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe

       Guddoomiyihii Gobolka Gabiley      

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

Ujeeddo: Magacaabid. 

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay HaNnan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  1. In Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In aan Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye u beddelo in ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Cabdikariim Siciid Aw Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH                           

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here