Jaamacadda Difaaca Itoobiya Oo Ay Ka Qalinjebiyey Maanta Dhakhaatiir Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland.

0
286

Jaamacadda Difaaca Itoobiya Oo Ay Ka Qalinjebiyey Maanta Dhakhaatiir Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Ethiopia-25-03-2023-(SL)-Waxa Maanta Jaamacadda Difaaca ee Dalka Ethiopia ka soo baxay kana qalinjebiyey Dhakhaatiir ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qalin-jebiyey shahaadada koowaad iyo labaad, sidoo kale waxa maanta isla jaamacadaasi ka qalinjebiyey Saraakiil bartay  Injineernimada.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Ethioia, Marshal Birhanu Jula, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Ethiopia, Saraakiil ka socda Ciidanka Qaranka Jmahuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminaya Gashaanle Sare Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo ah ku xigeenka Hoggaanka Xidhiidhka dibada ee Ciidanka Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayaan Sarakiil kale oo katirsan ciidanka Qaranka,  marti sharaf  kale oo lagu casuumay munaasibada qalinjebinta oo isugu jira qoysaskii ay ka soo jeedeen ardayda qalinjabisay iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalalka la jaarka ah Ethiopia ee ay ciidamadoodu qalinjebinayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here