Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Arrinta Laascaanood, Digniin Iyo Jawaabana U Diray Fidno-Wadayaal Colaad Ku Macaash Ah

0
231

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Arrinta Laascaanood, Digniin Iyo Jawaabana U Diray Fidno-Wadayaal Colaad Ku Macaash Ah.

Hargeysa-03-01-2023-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey shir ballaadhan oo ay maanta qasriga madaxtooyada ku yeesheen madaxda qaranka ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ku-xigeenkiisa, Mudane Siciid Jaamac Cali, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, ahna ku simaha gudoomiyaha Wakiilada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxgarad, xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin kale, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii talo midaysan looga yeelan lahaa arrinta Laascaanood, loona soo afmeeri lahaa tabashada shacabka.

 

Markii kulankaasi soo dhammaaday waxa bulshada la hadlay madaweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxana ay si waafi ah uga hadleen dhibka ka taagan Laascaanood, qorshaha qaran ahaan arrintaas lagu wajahi karo iyo sidii xididdada loogu siibi lahaa tabasho kasta oo dhib keenaysa, iyaga oo mar kale si wada-jir ah tacsi ugu diray ehellada dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay Laascaanood.

 

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer u sharraxay qorshaha ay ka hoggaamiyeyaal ahaan ugu talo galeen in loo wajaho arrinta Laascaanood, isaga oo waxgaradka reer Sool ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan ka shaqaynta nabadda oo fure u ah in mushkiladda laga wada hadlo, waxana uu yidhi, “Maanta waxa noo yaalla ee aannu ku hawlgelaynaa waa in laga wada-shaqeeyo nabad dadku ku degaan, anagoo arrintaasna qaybteeda ugu weyn kala shaqaynayna haldoorka, waxgaradka, dhallinyarada, madax-dhaqameedka iyo haweenka dadka deggen Laascaanood, waxana aannu leenahay waxa aynu isku khilaafsannahay waynu ka wada-hadlaynaaye horto nabadda aynu adkayno, haddii aan nabad la hayn waxba lama xallili karo, marka nabadda la helo ee magaaladu furanto ciidamadu way ka baxayaan, umana joogaan magaalada inay dadka cabudhiyaane waa kuwii difaacayey.”

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dadkii gudaha Laascaanood lagu laayey ilaa 2009-kii iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay sidii loosoo qabqaban lahaa gacan-ku-dhiigleyaashii dadka laayey oo intoodii badnayd maanta gacanta lagu hayo,“Dadka mudaharaadayey ee ka xumaaday geerida ninkii argagixisadu dishay waxa usoo raacay afar cod oo kale oo Somaliland la dagaallamaya oo ay kow ka tahay  Argagixiso, inta la hayo Laascaanood marka laga soo bilaabo 2009-kii ilaa  maanta dadka lagu dilay waa 40-qof, afartankaa qofna waxa kiiskooda loo hayaa 32 qof, 8-da fakad bay ku maqan yihiin, 32-ka la qabtayna waxa la xukumay 23-ka mid ah oo jeelasha ku jira, 7-na kiiskoodu wuu socdaa, 2-na maxkamaduhu way sii daayeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas kusii daray,

“Dadka la dilay 24 kamid ahi waxay ahaayeen masuuliyiin qaran, una badnaa maxkamadaha xeer ilaaliyayaasha iyo qaybaha amniga ee ciidanka iyo guddoomiyeyaal xisbi, 16-ka mid ahina waa shacab lagu dilayey waxay taageersan yihiin dawladda Somaliland”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farta ku fiiqay siyaasiyiin fidno-wadayaal ah dalalka deriska kasoo jeeda oo dagaal iyo fidno kusoo afuufaya gudaha Somaliland, isaga oo si gaar ah u magacaabay siyaasi Faarax macallin oo katirsan Kenya, waxana uu yidhi,“Faarax Macallin waxa uu ahaa ninka isaga oo xildhibaan ah oo shirguddoonka ku jira halkan (Somaliland) yimi ee Laascaanood tegay ee ku dhiiraday inay Laascaanood kamid ahaato Somaliland ee carruurtiisii iyo arday kaleba kasoo kexeeyey Laascaanood ee Cammuud geeyey ee ay wax ku barteen ee mar walba la taagnaa qaddiyadda Somaliland ugu doodayey inay sharci ku fadhido, dadka siyaasadda midabbeeya warkooda waxba kasoo qaadi mayo laakiin Faarax lagama filayn inuu yidhaahdo dadku si qabali ah ha u dagaallamaan.”

 

Madaxda maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu madaxweynuhu jawaab cad u diray, waxana uu uga digay dhibaatada ay u bu’ayaan, isaga oo ugu bushaareeyey inay Somaliland diyaar u tahay difaaca qarankeeda, “Waxa dagaal Iclaamiyey madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku-xigeenkiisa, lagamase filayn inay Puntland dagaal ku iclaamiso, maantase annagu waxanu taagannahay nabad iyo jaar-wanaag, waxana aannu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog. Haddiise aad ka fursan weydo oo aad weerar soo qaaddo wixii aad ka heshaad leedahay Somaliland inay qarannimadeeda difaacdo waa u diyaar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka iyo beesha caalamkaba ugu bushaareeyey inay mucaarid iyo muxaafidba reer Somaliland ka midaysan yihiin difaaca qarankooda, waxana uu yidhi,“Maanta Somaliland ma kala laha mucaarid iyo muxaafid, qarannimadana heegan baa loo wada yahay, saddexda xisbi-qaran oo waqtigoodii dhammaaday iyo 10-urur oo immika siyaasadda u halgamayaaba waxannu ka midaysannahay in qarannimada la difaaco, waayo dhammaantood waxay u tartamayaan inay dalka maamulkiisa qabtaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland ku filan tahay arrinteeda, cid kale oo soo faro-gelisana aanay marnaba oggolaan doonin, isaga oo madax-dhaqameedka deegaanada kala duwan fidnada ka wadana uga digay inay dhibaato hor leh abuuraan, waxana uu ugu baaqay inay wanaagga iyo daminta dhibaatada ka taliyaan.

 

Waxa uu madaxda dawladaha Kenya iyo Ethiopia ka codsaday inay kasoo jawaabaan eedaha iyo fidnada iyo syaasiyiin dalalkaas kasoo jeedaa ka dhex wadaan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo faro-gelinta ay ku hayaan dawladnimada Somaliland, isaga oo Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxdoodana uga digay faro-gelinta fidmaysan ee arrinta gobolka Sool ay ku gacan-togaalaynayaan.

 

Dhinaca guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna madaxweynaha hadalka uga dambeeyey, ayaa bayaamiyey inay ka gole guurti ahaan madaxweynaha kala aragti yihiin hannaanka loo xallinayo dhibka Laascaanood, isaga oo si cad u sheegay in dhibaatada Laascaanood ka taagani tahay mid Somaliland oo dhan laga dareemayo oo dhammaynteeda laga midaysan yahay, waxana uu yidhi,“Waxannu cadaynaynaa inaanu intaa madaxweynuhu yidhi la qabno, kulana shaqaynayno, dadweynahana ka codsanayno inay ogaadaan in dawladoodu danahooda ka talinayso, waanna aannu ka xunnahay dadkii mudaharaadka ku dhintay, reer Laascaanood-na kamay dhimanne dhammaanteen way inaga dhinteen. Somaliland-na waysku filan tahay oo cid usoo gurmata uma baahna.”

 

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in qaranka Somaliland muhiimad gaar ah siinayo soo afjaridda dhibaatada Laascaanood, iyada oo arrintaasna majaraha u qaban doonaan hormuudka reer Sool,“Waxa inoo ballan ah inaynu arrinta Laascaanood xal degdeg ah u helno, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo dadka Laascaanood u dhashay oo gacanta koowaad ay yeeshaan, inaguna kula shaqayno,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here