Xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka ayaa bogaadiyay ansixinta ugu dambeysa ee Senate-ka ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA)

0
260

WASHINGTON – Senetarka Mareykanka Jim Risch (R-Idaho), oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka, ayaa bogaadiyay ansixinta ugu dambeysa ee Senate-ka ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA):

Waxaanu yidhi Senate-ku “Geeska Afrika waxa horyaala caqabado badan, haddana Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay sii waddaa inay ka shaqeyso siyaasado duugoobay iyo qaab-dhismeedka diblomaasiyadeed ee aan xalin caqabadaha maanta jira.

Waxaan ku faraxsanahay inaan arko qaybta ugu muhiimsan ee sharciga Somaliland oo lagu daray Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka, kaas oo u baahan doona Maraykanku inuu sahamiyo dhammaan xidhiidhada faa’iido doonka ah ee suurtogalka ah ee lala yeesho dalalka xasilloon ee dimuqraadiga ah, oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan rajaynayaa in aan Wasaaradda Arrimaha Dibedda kala qayb-qaato arrintan bilaha soo socda,” ayuu yidhi Senator Risch.

Warbixinta iyo daraasadda suurtagalka ah ee ku saabsan iskaashiga si loola kulmo danaha amniga qaranka ee lala wadaago Bariga Afrika (Sec. 1275):

  • Waxa looga baahan yahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay sannad walba warbixin ka siiso Congress-ka kaalmada Maraykanku siiyo Somaliland iyo sidoo kale suurtogalnimada in la aas-aaso iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland oo ay ku jiraan fursadaha iskaashiga ee arrimaha amniga gobolka.

https://www.foreign.senate.gov/press/rep/release/risch-on-final-passage-of-fy2023-ndaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here