Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sanad-Guurada 29-aad Ee Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska Somaliland

0
217

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sanad-Guurada 29-aad Ee Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska Somaliland.

Hargeysa-03-11-2022-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay munaasibadda xuska sannad-guurada 29-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda xuska 29-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta guud ee ciidanka Boolisku ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa kala soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Maxkamada sare Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan, Madaxweyne ku xigeenkii hore, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee dalka, xildhibaano, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, qaybaha bulshada, marti sharaf kala duwan oo ka socday dalal jaarka iyo safiirada Somaliland u fadhiya dalalka Ethiopia, Jabuuti, Taiwan, Turki iyo Kenya, sidoo kale waxa fadhiyey laguna soo marti qaaday munaasibada Taliyeyaasha Ciidamada Booliska ee Jabuuti iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Ugu horayna waxa halkaasi Lagu soo bandhigay riwaayad iyo filim koobsanaya taariikhda iyo qiimaha uu boolisku u leeyahay qaranka iyo bulshadiisaba, waxaana isla goobtaasi laga akhriyey dhacdooyinkii iyo danbiyadii sannadkan 2022 ka dhacay dalka ee ay boolisku diwaangeliyeen oo uu qodob qodob u dul istaagay hoggaanka ciidanka Boolisku, waxa kale oo halkaa ka hadlay Taliyaha Booliska Somaliland oo ka warbixiyey Arrimaha amniga iyo xaalada guud ee dalka, Gudoomiyaha Wakiilada, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska Jabuuti iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Ugu danbayna waxa halkaa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gunaanadkii munaasibadda sannad-guurada 29-aad ee xuska Aas-aaska ciidanka Booliska ugu hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen 29-ka sanno ee jireen, waxaana uu yidhi “Dhammaan Ciidanka booliska madaxdiisa iyo qoysaskooda inaan uga mahadnaqo qaran ahaan hawlaha culus ee ay dalka u hayaan, waxaanan shacbiga Somaliland ka codsanayaa in dhammaan lala shaqeeyo ciidamada oo aad iyo aad loo ixtiraamo markay nabada ka shaqaynayaan aan cadow loo qaadan ee gacan la siiyo, waanan hambalyeynayaa Ilaahay sannadkaa sannadkiisa kheyr iyo badhaadhe haydinku gaadhsiiyo”.


Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here