Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1444-ka.

0
414
HAMBALYO MADAXWEYNE: 29 /07/2022.
Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1444-ka.
 
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1444-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.
 
 
Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan maanta oo Jimce ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 29/07/2022.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.
 
 
Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somalilandba u rajaynayaa in Sannadkan cusubi ula kowsada Barwaaqo iyo Horumar aynu sannadka sannadkiisa ku gaadhno, kagana baxno Abaaraha soo noq-noqday.
 
 
Kullu Caam Wa Antum Bikhayr
 
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here