Munaasibad Lagu Xusayo Sannad-guurada 62-aad Ee Kasoo Wareegtay Maalintii Jamhuuriyadda Somaliland Xorriyaddeeda Ka Qaadatay Boqortooyada Ingiriiska Oo Caawa Hargeysa Lagu qabtay.

0
229

 Munaasibad Lagu Xusayo Sannad-guurada 62-aad Ee Kasoo Wareegtay Maalintii Jamhuuriyadda Somaliland Xorriyaddeeda Ka Qaadatay Boqortooyada Ingiriiska Oo Caawa Hargeysa Lagu qabtay.

 

Hargeysa-26-06-2022-(SL)-Xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa caawa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guurada 62-aad  ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Munaasibaddan Qaran oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan  Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Madaxweyne ku xigeeno hore, xildhibaanno, wasiirro, safiirro, diblomaasiyiin, madaxda xisbiga KULMIYE, hoggaanka qaar kamid ah ururrada siyaasiga ah ee dhawaan la daah-furay, waxgarad iyo haldoor kale oo qaybaha kala duwan  iyo marti-sharaf tiro badan oo labeenta bulshada u badan.

Ugu horrayn kooxda fannaaniinta Qaranka, ayaa munaasibadda kusoo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumaysa qiimaha ay leedahay maalinta 26-ka June iyo sida ay u tahay maalin qarankani ku dhaato iyo horumarka dalku  gaadhay muddadii uu jirey.

 Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay qiimaha maalintani Qaranka ku taagan tahay, dedaalkii xorriyadda la geliyey iyo sida ay ugu qalanto in mar kastaba qiimaynteeda iyo muunaynteeda meel sare la gaadhsiiyo.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa bulshada ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda, waxana uu madaxda axsaabta mucaaridka usoo jeediyey inay sharciyadda dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan leh, ayaa ugu horrayn bulshada ugu hambalyeeyey munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, isaga oo sharraxay guulaha Somaliland gaadhay muddadaa ay xorriyaddeeda haysatay.

Siyaasadda arrimaha dibadda ay guulaha Jamhuuriyadda Somaliland caalamka intiisa kale ka gaadhay iyo sida ay usoo  jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee dunida, ayuu madaxweynuhu ka sheekeeyey, isaga oo tusaale usoo qaatay dalweynaha Maraykanka iyo saaxiibtinimada midho-dhalka leh ee ay Somaliland la samaysatay,“Maanta waa markhaati ma doon in Somaliland xorriyaddeeda iyo ictiraafkeeda iyo waxqabsigeeda ay meelaha adduunka looga taliyo oo ay Washington Baarlameenkeedu ka mid yahay ka wado hawlo uu Somaliland wax kula qabsanayo, ingiriiskuna ka wado, caalamka intiisa badanina sidaas  oo kale Somaliland la wado, taasina waxay ku timi dedaalkii dadkeena kolba intii joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku-tiisanaanta wax soo saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee ku timi quutal daruuriga.

Ugu dambayntii, markii ay saacadda geeska Afrika gaadhay 12:00-kii habeennimo, ayaa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo uu madaxweynuhuna salaan siiyey calanka.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here