Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Ay Weheliyaan Xubnaha Guddida Taakulaynta Heer Qaran Ee Dadkii Ku Waxyeelloobay Suuqa Waaheen Oo Kulan La Qaatay Wafti Ballaadhan Oo Ka Socday Hay’addaha Un-ta

0
272

Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Ay Weheliyaan Xubnaha Guddida Taakulaynta Heer Qaran Ee Dadkii Ku Waxyeelloobay Suuqa Waaheen Oo Kulan La Qaatay Wafti Ballaadhan Oo Ka Socday Hay’addaha Un-ta.

Hargeysa-06-04-2022-(SL)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Xubno ka mid ah golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddida Taakulaynta Heer Qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen, ayaa maanta Kulan la qaatay wafti ballaadhan oo ka Socday Waddamada Ka Taageera Somaliland Dhanka Horumarka ee reer yurub  iyo Hay’addaha UN-ta qaar ka mid ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey waftiga, isaga oo uga mahad-celiyey sida ay Somaliland u garab istaageen tan iyo markii ay dhacday masiibadii dabka ee baabi’yey mid ka mid ah suuqyada ugu weyn Geeska Afrika ee Waaheen, masiibadaasi oo lagu waayey dhaqaale lagu qiyaasay 1.5 ilaa 2 Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Xubnaha wakiillada ah ee ka socday waddamada Somaliland ka taageera dhinaca horumarka, ayaa qaranka la wadaagay dhambaallo tacsi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda, waxana ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin masiibada dabka baabi’iyey suuqa Waaheen oo uu yaallay dhaqaale aad u ballaadhani, islamarkaana ay ku waxyeellowday hanti aad u ballaadhani, iyaga oo caddeeyey inay shirar degdeg ah (Emergency meetings) oo arrintan la xidhiidha toddobaadkan galanayaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaga oo ka wakiil ah madaxweynaha qaranka iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland, waxa uu xubnaha weftiga ka guddoomay tacsida iyo dareenka saaxiibtinimada leh ee ay u muujiyeen qaranka, isaga oo uga warbixiyey baaxadda khasaaraha uu dabku geystay.

Ugu dambayntii, xubnaha ka socda dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka, ayaa ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha baaxadda masiibada dabka u gudbin doonaan madaxda waddamadooda, islamarkaana ay gacan buuxda ka geysan doonaan dhibaatadaas.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here