Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Ay Wehelinayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland

0
231
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Ay Wehelinayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.
 
War-saxaafadeed-08-02-2022-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08,02,2022 qasriga madaxtooyada, ku qaabiley madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:
 
1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.
 
2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.
 
3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.
 
4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.
ALLAA MAHAD LEH.
 
Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here