Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Oo Ciidamada Qaranka Ku Bogaadiyey Sannad Guurada Aas-Aaska Ciidanka Qaranka Somaliland.

0
379
Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Oo Ciidamada Qaranka Ku Bogaadiyey Sannad Guurada Aas-Aaska Ciidanka Qaranka Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku xigeennada, ilaa dable, meel ay joogaanba xuska sannad guuradda 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Qaranka Somaliland. Kuna beegnayd bishii labaad labadeedii sanadkii 1994-kii (02/02/1994) oo ku beegan Arbacada Berri.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyo taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska ciidanka naftood hurayaasha qaranka meel ay ka joogaanba.
Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo bash-bash, halkaana ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhallinta himilada iyo adkaynta difaaca dalka iyo dadka Somaliland, taas oo ah mid ay shacbiga Somaliland muddadaa 28-ka sanno ah kaga gamโ€™een ciidamada qaranka kalsooni iyo adkaynta jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here