Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo tacsi u diray Wasiirka Arrimaha gudaha oo eheladda Marxuum Maxamuud Jaamac Cumar

0
335
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo tacsi u diray Wasiirka Arrimaha gudaha oo eheladda Marxuum Maxamuud Jaamac Cumar
TACSI MADAXWEYNE: 07/09/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Jaamac Cumar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 07/09/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka si gaara uga tacsiyadaynayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo marxuumku abti u ahaa iyo dhammaan qoyska reer Jaamac Cumar.
 
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
 
 
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here