Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda ka tacsiy adeeyey Geerida Ku timid Adeerkii Ibraahim Suufi

0
282

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda ka tacsiy adeeyey Geerida Ku timid Adeerkii Ibraahim Suufi

TACSI MADAXWEYNE: 12/07/2021-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Suufi Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Maka ee dalka Sucuudiga maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/07/202.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka si gaara uga tacsiyadaynayaa dhammaan qoyska reer Suufi Jibriil gaar ahaan wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Jmahuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo marxuumku adeerkii ahaa.

 

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here