Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Taiwan U Fadhiya Dalka Somaliland

0
293

 WAR-SAXAAFADEED: 19 /12/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Taiwan U Fadhiya Dalka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaaradda Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaaraddaasi.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xidhiidha  Sidii loo dardargelin lahaa xidhiidhka hufan ee labada dal u dhexeeya, islamarkaana kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa deeqaha waxbarasho ee  ay Taiwan siiso ardayda reer  Somaliland iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal hore uga wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa.

 

Sidoo kale, waxa kulankan lagaga wada-hadlay arrimaha caafimaadka, gaar ahaan xakamaynta  xanuunka Covid-19  iyo sidii ay Taiwan gacan uga geysan lahayd inay Jamhuuriyadda Somaliland hesho tallaalka cudurka Covid-19 oo dalal badan oo dunida kamid ahi ay dadkooda u bilaabeen sidii ay uga hortegi lahaayeen xannuunkaasi.

 

Kulankaas, oo kusoo dhammaaday is af-garad buuxa, waxana ay madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Taiwan isla meel-dhigeen sii xoojinta wada-shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxeeya.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here