Madaxweynaha JSL Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Somaliland Ee Hargeysa + Sawiro

0
279

Madaxweynaha JSL Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Somaliland Ee Hargeysa

 

Hargeysa-16-12-2020-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo wafti ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo  saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana Madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale. Waxaana weftiga madaxweynaha si balaadhan loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo bulshada qaybeheedu hareero tubnaayeen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here