Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo tacsi u diray qaranka iyo Qoyskii u ka baxay Marxuum Saleebaan Aamiin Cige oo Ka mid ahaa Odayaasha Magaalada

0
19
TACSI MADAXWEYNE: 28/10/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Saleebaan Aamiin Cige oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadkaba, kana mid ahaa waayeelkii kaalinta muhiimka ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here