Madaxweynaha Oo Kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland

0
419
Madaxweynaha Oo Kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland
WAR-SAXAAFADEED: 25/08/2020
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.
 
Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.
 
Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka.
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here