Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagaga hadlay arrimo la xidhiidha Xaaladda Dalka

0
616

Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagaga hadlay arrimo la xidhiidha Xaaladda Dalka

WAR-SAXAAFADEED: 02/07/2020

 

Fadhigii 60aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta lagaga hadlay xaalada guud ee amniga dalka,   heerka xanuunka COVID-19 iyo halka uu marayo la dagaalankii lagu hayey Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah Dalka.

 

Ugu horayn waxa warbixin goluhu ka dhegeystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku sugan in mudo ah isaga iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsani degmada Ceel-afweyn oo ay u joogaan daminta arrimihii nabadgelyada la xidhiidhay ee halkaasi ka jiray, waxaanu golaha uga xogwaramay meesha uu marayo dedaalkii nabadayntu oo uu xusay in ay si dhakhso ah u soo gabagabayn doonaan xurguftii dhexmartay beelaha walaalaha ah ee deegaanka degmada Ceel-afweyn, waxana uu sheegay in todobaadka soo socda ay is horfadhiisan doonaan waayelka dhinacyada wax kala tirsanayaa, sidoo kale waxa isna xoojiyey wasiirka, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo ka hadlay xaaladda amni ee dalka, xusayna in guud ahaan amniga dalku uu fiican yahay wax dhibaato ah oo gobolada iyo degmooyinka dalka ka jiraana aanu jirin.

 

Dhinaca kale wasiirka Horumarinta Caafimaadka ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda xanuunka COVID-19, waxaanu xusay in weli dalka uu ka jiro xanuunka COVID-19 balse ay muuqato in uu hoos u dhacayo xanuuunku. isagoo  golaha la wadaagay in  dadaaladii la waday ay suurta geliyeen in la helo qalabkii loo baahnaa, waxana  uu sheegay in ay mashiinka lagu baadho xanuunka COVID-19 la geeyey magaalooyinka Burco iyo Berbera oo ay shaqaynayaan, waxa kale oo uu sheegay in ay samayn doonaan baadhis guud  (random test) oo ay ku ogaanayaan heerka xanuunka ee dalka.

 

Waxa kale oo uu  sheegay in ay wax ka qabteen adeega baabuurta gargaarka degdega ah ee loo yaqaan Ambulance-yada ee cusbitaalada dalka, dhawaana ay saddex Ambulance oo cusub geyn doonaan Cusbitaalada Ceergaabo, Laascaanood iyo Boorama, halka Burco ay hore u geeyeen isla markaana ay dayac tireen Ambulance-yada Cusbitaalka Berbera waxana uu intaas ku daray in Cusbitaalka Hargeysa ay u qorsheeyeen laba Ambulance oo cusub.

 

Waxaanu xusay in ay dalka ku soo wajahan yihiin lix mashiin oo ah kuwa dhaliya  ogsajiinta (oxygen) oo lagaga maarmi doono baahidii loo qabay ogsajiinta, sidoo kalana ay dalka soo gaadheen 410 haamood  (Oxygen Cylinders) oo ah kuwa lagu shubo ogsajiinta loona qaybshay Cusbitaalada dalka horantooduna ay gaadhayso  todobaadka soo socda.

 

Sidoo kale wasiirka Horumarinta Beeraha ayaa golaha uga warbixiyey in ay meel fiican u marayso dedaalkii loogu jiray dabar goynta ay kula jireen Ayaxa, waxaanu sheegay in wejigii koowaad ee hawlgalka oo ka socday gobolada galbeedka uu soo dhammaday todobaadka soo socdana laga hawlgali doono gobolada Bariga Somaliland iyadoo diyaaradaha ayaxa lagu buufinayo ay fadhiisin ka samaysan doonaan garoonka diyaaradaha Burco.

 

Wasaaradda Shaqo-galinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ayaa golaha horkeentay Siyaasadda shaqo-abuurka Qaran ee Somaliland oo ah siyaasad dalka ku hagaysa sidii bulshadu u heli lahaayeen shaqooyin isla markaana looga bixi lahaa shaqo la’aanta, waxana goluhu u balamay in la soo darso siyaasadan oo isla markaana lagu ansixiyo shirarka soo socda, dhanka kale waxa goluhu isla qaatay in wakhti la siiyo dersidda xeerka Shaqaalaha Dawladda oo golaha horay u yaalay.

 

Ugu danbayn golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in aan la hilmaamin tilmaamaha iyo talooyinka lagaga hortagayo xanuunka COVID-19 ee ay wadaan bahda caafimaadku iyagoo sidoo kale u mahadceliyey guddida la dagalaanka COVID-19 ee uu hoggaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici).

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here