Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Madaxweynaha Hortiisa Ku Dhaariyey Labadii Xubnood Ee ka Dhinnaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka + Sawiro

0
498

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Madaxweynaha Hortiisa Ku Dhaariyey Labadii Xubnood Ee ka Dhinnaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka

 

Hargeysa-30-06-2020-(SL)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddan.

 

Labadan xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa oo ay  todobaadkan gudihiisa ansixiyeen golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo galaan una buuxiyeen kaalintooda xubinnimo ee mudada bannaanayd, horena ka bilaabaan shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

 

Ugu danbayn waxaana madasha dhaartu ka dhacday goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani, Mudane Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Mudane, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyadoo dhaartani ay sidaa ku soo afjaridoonto lagagana gudbidoono caqabadihii hortaagnaa xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Wa bilaahi tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here