Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

0
590
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen
 
Taar: 27/06/2020
 
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.
 
 
Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.
 
Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here