Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Daah-furay Mashruuca  Ka Hogtaga Iyo La Dagaalanka Xanuunka Covid19 Ee JPLG + Sawiro

0
488

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Daah-furay Mashruuca  Ka Hogtaga Iyo La Dagaalanka Xanuunka Covid19 Ee JPLG

 

Hargeysa-24-06-2020-(SL)-Mashruuca maamul daadejinta  Dawladda Hoose ee loo soo gaabiyo JPLG  ayaa sannadkan loo bedelay la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka Covid19, iyadoo laga fulinaayo degmooyinka dalka ee uu ka jiro Adeega JPLG-gu, waxaana sannadka mashuurucu uu ka qeyb qaadanayaa sidii dadka looga bad baadin lahaa xanuunkaasi.

 

Mashruuca JPLG  oo hore Degmooyinka looga fulin jiray islamarkaana ahaa maamul daadejinta iyo horumarinta Degmooyinka ayaa haatan markii ugu horaysa noqonaya mid ka qeyb qaata xaalada la dagaalanka Xanuunka Covid19, waxaana dhammaan Degmooyinka loogu talo galay mashuuraca JPLG  ay qalinka ku duugeen in sannadkan mashuurcaasi loo fulin doono in bulshada lagala dagaalamo xanuunkaasi.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xafiiskiisu maamulo Mashruucaasi JPLG isla sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Covid19 oo mashruucaasi maanta daah-furay ayaa Maayirada 11-ka Degmo  uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen dedaaladii bulshada lagu bad baadinayey.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Maayirada Degmooyinkaasi kula dardaarmay inay sannadkan u filiyaan mashuurcaasi sidaa lagu saxeexay, loona baahan yahay in bulshada la gaadhsiiyo islamarkaana guddida heer qaran ay soo waddo habraacyo lagu dhaqi doono Bulshada si looga badbaado xanuunka Covid19.

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here