Madaxweynaha Somaliland oo Ciidamada iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum  Cismaan Jibriil Xagar taliyihii hore ee ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland

0
413

 

TACSI MADAXWEYNE: 05/05/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cismaan Jibriil Xagar oo ku geeriyooday xalay  oo ay taariikhdu ahayd 05/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay ciidamada iyo dalkaba kana mida ahaa saraakiishii aas-aastay ee seeska u dhigtay dhismaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, xilal kala duwanna ka soo qabtay, isagoo sannadihii 2005 ilaa 2010-kiina ahaa taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here