Guddiga ka hortagga Xanuunka Korona ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa  Maanta kormeer ku soo maray degmooyinka Axmed Dhagax. 

0
500

Guddiga ka hortagga Xanuunka Korona ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa  Maanta kormeer ku soo maray degmooyinka Axmed Dhagax.

Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Axmed Macalin Haaruun iyo Gacanlibaax, Hadafka kormeerku waxa uu ahaa in la qiimeeyo lana dardargeliyo ololaha ka hortagga xanuunka Korona ee Guud ahaan ka socda dalka, gaar ahaana degmooyinkaasi la soo kormeerey.

Degmooyinka Axmed Macalin Haaruun iyo Gacan-Libaax maamulkoodu si fiican ayay isu diyaariyeen hawshiina u bilaabeen, inkasta oo ay weli wax ka dhimanyihiin.

Degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge weli sidii la rabay hawsha uumay gudogelin dabacsanaan maamulna wey ka muuqataa.

Waxa ay guddigu degmooyinkaasi fareen in sida uugu dhakhsaha badan ay ku sameysataan qorshe iyo barnaamij ay ku dardargeliyaan ololaha ka hortagga xanuunka Korona fulintiisana ku dhaqaaqaaniyaga oo raacaya talooyinka iyo fariimaha ay soo saarto Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here