Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Mujaahid Maxamed Buraale Cabdilaahi 

0
663

 

TACSI MADAXWEYNE: 12/03/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum Maxamed Buraale Cabdilaahi oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 12/03/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa, laguna aasay maanta magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa door muhiima ku lahaa dedaaladii dalka loo soo maray, kana qayb-qaatay dib u dhiiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here