Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka (8 Maaraj) + Sawiro

0
505

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka (8 Maaraj)

 

08-03-2020-(SL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xuska maalinta caalamiga ah ee  Haweenka Adduunka (8 Maaraj) oo lagu qabtay Jaamacada Hargeysa, waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

 

Munaasibadan oo ay kasoo qeyb galeen Safiirada  EU iyo Sweden ayaa waxaa lagu xusaayey Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee 8 Maaraj,  Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba waxa uu hambalyo u diray Haween weynaha Jamhuuriyadda Somaliland  sidoo kalena waxa uu  xusay muhiimada ay  Haweenku u leeyihiin ka ummad ahaan iyo qaran ahaanba.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaaa ugu horaynba yidhi “Waxaa maanta dhammaanteen farxad inoo ah inaan kasoo qeyb galnay xaflada lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee haween weynaha adduunka, oo innaguna maanta Somaliland ahaan aan xusayno 8 Maaraj oo runtii maalin aad u qiimo badan ah oo xuskeeda looga jeedo in laysku xasuusiyo qiimaha haweenku ku leeyihiin dunida dusheeda”.

 

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne Ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tixaabay xuquuqda ka maqan haweenka waxaana uu yidhi “Haweenka xuquuqda ka maqani ta Siyaasada maaha ee waa ta Bulshada waa masuuliyada oo majoorati raggu gabay weeyaan, taasina ay sabab u tahay sidaa la sheegay qaadka iyo mukhaadaraadka maalin maalinta ka danbaysa qoysaskeenii si dhib yar u burburayaan”

 

Ugu Danbayntiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan wadaan dedaal balaadhan oo loogu jiro horumarinta haweenka “Maanta waxaan hambalyeynaynaa dhammaan haween weynaha Somaliland, annagu ka xukuumad ahaan wixii suuragal ah ee kolba itaalka dawladdu yahay in wax laga qabto baahiyaadkooda aasaasiga ah xagga caafimaadka waxbarasahda waa taa dadaalkeedu socdo runtii, iyadoo ay aad inooga caawiyaan saaxiibadeeda beesha caalamka oo ay hormuur ka tahay Midowga Yurub (EU).

Wa bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here