Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ciidamada kala duwan ee dalka iyo Ehelada uu ka baxay Marxuum Maxamed Shiil Dhidar taliye ku xigeenkii Hore ee Booliska Somaliland

0
416
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ciidamada kala duwan ee dalka iyo Ehelada uu ka baxay Marxuum Maxamed Shiil Dhidar taliye ku xigeenkii Hore ee Booliska Somaliland
TACSI MADAXWEYNE: 25/02/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Shiil Dhidar oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/02/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay ciidamada iyo dalkaba kana mida ahaa Aas-aasayaashii seeska u dhigay dhismaha ciidanka booliska Somaliland, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay, markii u danbaysayna ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Somaliland.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, ciidamada Booliska iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here