Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

0
391

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

Hargeysa-22-02-2020-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO.

 
Hoggaanka dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo uu hoggaaminayo, Gudoomiyaha Dalladda SONYO, Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey sanduuqa dhallinyada ee uu Aas-aasay iyo sida uu mar walba ugu hagar baxo dhallinyarada dalka, xilka weynna isaga saaro inay da’yartu hoggaanka dalka qayb ka noqdaan.
 
Waxa kulankaasi goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, oo isaguna halkaasi ka jeediyey Hadalo dhiirigelin ah oo uu kula dardaarmay dhallinyarada Dallada SONYO, sidoo kalena madaxweynaha uga mahadnaqay dhiirigelinta da’ayarta dalka.
 
Madaxweynaha, ayaa dhinaciisa hoggaanka cusub ee dallada SONYO kula dardaarmay inay dardargeliyaan xilka culus ee loo igmaday, una guntadaan sidii guud ahaanba dhallinyarada Somaliland ay ugu hilaadin lahaayeen hir cusub oo barwaaqo leh.
 
 
 
Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here