Waxa muuqata in la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya garwaacsan lahayd xalka kaliya ee lagu heli karo nabadgelyo iyo iskaashi laba Dal oo walaalo ah. Xalkaasi waa laba Qodob + Sawiro

0
29

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya

Walaalayaal,

Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka ololaynayey wufuudii Shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu timi. 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo dhibaatada dhex-taala labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.

13-kii February 2020-ka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raali-gelin ka bixiyey xasuuqii ay Dawladdii Somali Democratic Republic u gaysatay Shacabka Somaliland. Marka laga reebo weedha ah, ‘Kuwii Qoryaha Qaatay, iyagana cudurdaar ayaa laga rabaa’, taas oo ah in dambiga loo qaybiyo Dawladdii dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyey Xasuuqa ay Dawladdu waday, waan soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca nabadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd 73 sanno Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska (British Somaliland Protectorate). Waxa ay xorriyadeedii heshay 26 June 1960-kii. Waxa ay noqotay Dawladdii 15-aad ee xorriyadeeda hesha Qaaradda Afrika, waxaana aqoonsaday 35 dawladood, oo ay ku jiraan kuwa ugu waaweyn adduunka.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kula midowday Soomaaliya hal shardi oo kaliya. Kaas oo ah in la helo shantii Soomaaliyeed oo midowda. Taasna 31 sanno oo la raadinayey, waa la waayey.

Madaxweynihii Somali Democratic Republic ee wakhtigaasi waxa uu si rasmi ah uga noqday raadintii midnimada Soomaali weyn daba-yaaqadii Qarnigii tagay, waxaanay ku cad yihiin shirarkii uu ku galay magaalooyinka Jabuuti iyo Addis Ababa.

Walaalayaal, waxa xusid mudan in Midowgii labada Dal ee 1960-kii aannu marna noqon mid dhammaystiran dhinaca sharciga Caalamiga ah.

20-kii June 1961-kii, markii dastuurkii midnimada loo qaadayey aftida, 68% shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waa uu diiday Dastuurkaa. Taasina waxay caddaynaysaa in aanu jirin sharciyad midnimadu ku fadhido, sida uu ka marag-furay Aqoonyahan Mr. Paolo Contini.

Inqilaabkii fashilmay 10-kii December 1961-kii ee Saraakiisha Reer Somaliliand ku kaceen, markii la xidhay, Maxkamaddii uu guddoominayey Mr. Hazel Wood, wax dambi ah wey ku weyday, waayo waxa la waayey sharci ay ka hor yimaadeen, maadaama Xeerkii Midnimadu aanu dhammaystirnayn, waxaana la sii daayey May 1963-kii.

Dawladdii ugu horaysay ee la dhisay 1960-kii, Golaha Wasiiraddu waxa ay ahaayeen 14 Wasiir, waxaana Somaliland laga siiyey 3 Wasiir. Golihii Baarlamaanka ee lagu midoobay, 26.8% kaliya ayaa Somaliland laga siiyey.

Mashaariicdii horumarineed iyo Deeqihii Bulshada Caalamku siisay Somali Democratic Republic, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka heshay 7%.

Lixdii Degmo (Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo) ee Jamhuuriyaddii Somaliland ka koobnayd 26 June 1960-kii, waxa laga dhigay Laba Gobol oo kaliya. Lixdii Degmo ee Koonfurta (Majeerteeniya, Mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Hoose iyo Jubada Sare), waxa laga dhigay Lix Gobol.

Dagaalkii 1977-kii, ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, oo culayskiisu ku dhacay Somaliland, 11 Xero oo ay ku jiraan 400,000 Qaxoonti ah, ayaa laga dhisay Gobollada Somaliland. Taas oo culayskeeda lahayd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba.

6 April 1981-kii, waxa lagu dhawaaqay Ururkii SNM, si loo raadiyo Qarannimadii Jamhuuriyadda Somaliland ee luntay 1960-kii.

1988-kii, duulaankii Dawladdii Soomaaliyeed ku qaaday Shacabka Somaliland waxa uu ahaa mid loo adeegsaday dayuurado, madaafiic, taangiyo iyo gaasas ciidanka lugta ah.

Waxa la dumiyey oo si cadawtinnimo ah dhulka loola simay magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland. Waxa lagu xasuuqay in ka badan 50,000 oo qof maalmo gudahood. Waxa ilaa hadda la xaqiijiyey 43 Xabaalo-wadareedyo ku kala yaalla Gobollada Somaliland. Boqolaal sanno dadku hantidii ay tabcadeen ayaa maalmo gudahood lagu baabiiyey.
Waxa u qaxay dalalka jaarka in ka badan 600,000 oo qof, oo intooda badan xeryo looga ooday Bariga Itoobiya. In ka badan 400,000 oo qof ayaa u kala firxaday daafaha Adduunka.

2001-dii Hay’adda Dhawrista Xuquuqul Iinsaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay (United Nations High Commissioner for Human Rights) oo kaashanaysa Kooxdii Xidhiidhka iyo Isku-dubaridka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya (UNCU) baadhitaan ay ku sameeyeen wixii ka dhacay Somaliland 1988-kii ilaa 1991-kii, waxay xaqiijiyeen in uu ka dhacay Xasuuq Bini-aadam oo dawladdu u gaysatay shacabkeedii.

Khilaafkii ka dhashay qaloocintii Xeerka Midawga labada Dal iyo nidaamkii awood qaybsiga labada Dal iyo Tacadiyadii loo gaystay Shacabku, waxa ay keentay in ay dunto 1991-kii Jamhuuriyaddii Somali Democratic Republic ee ka unkantay midawgii labada Dal 1960-kii.

18-kii May 1991-kii, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka baxday, iyada oo isku-duuban, midnimaddii Soomaaliya ee lagu hungoobay, ee aan sharciyaddeedu dhammaystirnayn.

Soddonkaa sannadood Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd Qaran iskii u madax-banaan, balse nasiib darro, intaaba Soomaaliya waxay ka dagaalamaysay in Qarannimada Somaliland hirgasho.

Intii ay jirtay Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxay qaaday tallaabooyin cadawtinnimo oo kala ah:

1. Hor-joogsiga mashaariicdii horumarinta; oo ay ugu weynayd dagaalkii ay ka gashay dhismaha Dekedda Berbera.

2. Hor-joogsigii Sanduuqii mashaariicda horumarinta ee u gaarka ahaa Somaliland (Somaliland Special Arrangement).

3. In keligeed Dawladda Soomaaliya qaadatay Deeqaha Waxbarasho, Dhaqaale iyo Ciidan ee caalamku ku bixiyeen magacii Dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay.

4. Fulin la’aanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

5. Isku daygii hor-joogsiga adhigii Xajka ee ka dhoofayey Dekedda Berbera.

6. La-dagaalanka dawlad kasta oo milgo iyo maamuus u muujisa Jamhuuriyadda Somaliland, sida tii ka dhacday Gini Konnaakari.

Intaas oo qodob iyo qaar ka sii daran iyaga oo ay jiraan, haddana waxaanu aaminsanahay in dhibaatada dhex-taala labada Dal lagu dhammeeyo wada-hadal iyo nabad.

Waxa muuqata in la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya garwaacsan lahayd xalka kaliya ee lagu heli karo nabadgelyo iyo iskaashi laba Dal oo walaalo ah. Xalkaasi waa laba Qodob:

1. In Soomaaliya xurmayso xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay go’aankii 18 May 1991-kii ay kaga noqotay Midowgii aan sharciga ku dhisnay.

2. In Soomaaliya si buuxda u garwaaqsato in aqoonsiga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland yahay xalka qudha ee lagu heli karo wanaag iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dal.

Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa, gabaygii Faarax Nuur ee ahaa:

‘Qosol Been Ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo,
Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo,
Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane,
Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono,
Qoontiiba Lama Baananine, Qire Yaraa Nabaddu,
Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo la’aada’.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA NOOLAATO.
JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA WAARTO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here