Madaxweynaha oo tańci u diray Ehelada iyo shacbiga Somaliland ee uu ka badany Marxuum Daahir Ducaale Maxamuud oo ku geeriyooday Dalka Dibediisa

0
435
TACSI MADAXWEYNE: 18/02/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Daahir Sulub Maxamuud, oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu tahay 17/02/2020, caasimada dalka Suudaan ee Khartuum .
 
Marxuumka oo ka mid ahaa waxgaradka iyo aqoonyahanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaalin muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxa uu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka Somaliland.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here