Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Maanta Daah-Furay Dib U Habaynta  Tirada Qaxoontida Ka Diiwaan Gashan Jamhuuriyadda Somaliland + Sawiro

0
483

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Maanta Daah-Furay Dib U Habaynta  Tirada Qaxoontida Ka Diiwaan Gashan Jamhuuriyadda Somaliland

 

Hargeysa-25-01-2020-(SL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici) ayaa maanta daaf-furay  shirka dib u hubinta  tirada qaxoontiga  ka diiwaan gashan  Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay  Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay tiro koobka qaxoontiga ku sugan waddanka isagoo ku ammaanay Hay’adda Qaxoontioga iyo Barakacayaasha qaranka shaqada culus ee ay bilowday

 

Madaxweyne ku xigeenka oo furay Xafladaasi ayaa yidhi “Salaan ka dib waxaa runtii maanta sharaf iyo farxad weyn noo ah in nidaam lagu diiwaan gelinayo dadka magan galyo doonka ah ee qaxoontiga Somaliland inala jooga oo lagu ogaanayo tiradooda rasmiga ah inay tahay arin aad iyo aad u muhiima”

 

Madaxweyne ku xigeenka qaranka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay inaan maanta qaxoontiga ku sugan Somaliland aanay dareemin wax faquuq ah islamarkaana ay nabad gelyo ugu nool yihiin waddanka “Waxay taasi muujinaysaa inaynu innaguna Caalamka shuruucdiisa  aynu dhawrno waana ta keentay in laynoo yimaado iyadoo aan maanta adduunyadu ina ictiraafsanayn ay maanta dadku magan gelyo inoo soo doontaan oo inay nabad ku noolaadaan inoo soo raadsadaan oo ay inagu dhex nool yihiin oo aanay faquuq ka dareemin waddanka Somaliland maanta”

 

Dhanka kale Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku laamaha kala duwan ee Dawladda ku booriyey inay diiwaan gelintaa kala shaqeeyaan Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka “Waxaan leeyahay laamaha kala duwan ee Dawladdu inay Hay’adda  kala shaqeeyaan muddada diiwaan gelintu socoto sidii dadkaa loo diiwaan gelin lahaa oo xogtooda rasmiga ah aan u wada heli lahayn”.

Wa bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here