Madaxweynaha Oo Golaha Baarlamaanka Iyo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin Casood Oo maanta ku dhintay Hargeysa

0
41

Madaxweynaha Oo Golaha Baarlamaanka Iyo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin Casood Oo maanta ku dhintay Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE: 23/01/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha muddooyinkii u danbeeyeyna ahaa Xildhibaan, Marxuum  Axmed Cabdi Kaahin Casood oo ku geeriyooday maanta  oo ay taariikhdu tahay 23/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golaha wakiilada Somaliland oo uu marxuumku ka tirsanaa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, kana mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here