Madaxweynaha Somaliland Oo Ciidanka Asluubta ka tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Sarkaalkii u qaabilsanaa Xidhiidhka Hay’addaha Gashaanle Sare Maxamed Maxamuud Cabdilaahi 

0
694
Madaxweynaha Somaliland Oo Ciidanka Asluubta ka tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Sarkaalkii u qaabilsanaa Xidhiidhka Hay’addaha Gashaanle Sare Maxamed Maxamuud Cabdilaahi
TACSI MADAXWEYNE: 18/01/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Asluubta Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee hoggaankii xidhiidhka hay’addaha ee ciidanka asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, gashaanle sare Marxuum Maxamed Maxamuud Cabdilaahi oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal waayo arag ah oo wakhtigiisa uga faa’iideeyey dalkiisa iyo dadkiisa, xilal kala duwana ka soo qabtay ciidanka.
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Asluubta Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here