Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo wasiirkii hore ee maaliyadda ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamed Cabdi Raage

0
46
Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo wasiirkii hore ee maaliyadda ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamed Cabdi Raage
TACSI MADAXWEYNE: 16/01/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Raage oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiirkii hore ee horumarinta maaliyadda, imikana ah xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu marxuumku aabbihii ahaa.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here