Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland oo tacsi u diray shaqaalaha Madaxtooyada JSL iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdifataax Cismaan Dhalac oo laascaanood ku geeriyooday Maanta

0
738

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland oo tacsi u diray shaqaalaha Madaxtooyada JSL iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdifataax Cismaan Dhalac oo laascaanood ku geeriyooday Maanta

TACSI: 15/01/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, dhammaan shaqaale weynaha Madaxtooyada Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada iyo asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Agaasimihii Guriga Martida ee Laascaanood Marxuum Cabdifataax Cismaan Dhalac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020, magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Waxaanu Agaasimuhu ALLE uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shaqaalihii uu ka midka ahaa ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here