Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga iyo Qoyska uu ka baxay Marxuum Mujaahid Cabdilaahi Xasan Meecaad oo xalay ku geeriyooday Hargeysa

0
633
TACSI MADAXWEYNE: 12/01/2020
 
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Cabdilaahi Xasan Meecaad oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 12/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Waxaanu Madaxweynuuhu Marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga Somaliland door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, sidoo kale waxa uu qayb ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo dawladnimada Somaliland, waxaanu wakhtigan ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa in uu u naxariisto jannadiina ka waraabiyo. waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta. guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here