Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefdi Balaadhan Oo Ka Socday Dalka Holland + SAWIRO

0
472

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefdi Balaadhan Oo Ka Socday Dalka Holland

 

 

Hargeysa-13-11-2019-(SL)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qaabiley wefdi ka socday dalka Holland oo ay hoggaaminaysey Elin Hilwig oo ka soctay Safaaradda Holland ku leedahay Nairobi.

 

 

Xubnaha wefdigan oo ka kala socday wasaaradda arrimaha dibeda, qaybteeda iskaashiga caalamiga ah,safaaradda Holland ku leedahay dalka Kenya gaar ahaa magaalada Nairobi, bankiga horumarinta ee dalka Holland, machadka cilmibaadhista dhaqaalaha dalkaasi iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

 

 

Waxaanu safarka wefdigu la xidhiidhaa inay wax ka ogaadaan horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaaday iyo sidii ay taageero buuxda ugu geysan lahaayeen arrimaha bulshada, shaqo abuurka dhalinyarada iyo gacan siinta arrimaha sharciga iyo dimu-quraadiyada. Sidoo kale waxa ay goob-joog u ahaan doonaan xafiis lagu magacaabo “Holland House” oo laga furidoono caasimada Somaliland ee Hargeysa kaasoo ay yeelan doonaan jaaliyadda Somaliland ee Holland.

 

 

 

Ugu Danbayntii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo uga warbixiyey wefdiga xaaladda guud ee dalka ayaa ku dheeraaday horumarka ay Somaliland gaadhay 28kii sanno ee u danbeeyey isagoo u xaqiijiyay wefdiga inay Somaliland diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo maalgashi caalamiya rabta inay dalka gashato. Waxaanu madaxweyne ku xigeenku uga mahadnaqay safarka ay ku yimaadeen Somaliland.

 

 

 

Kulankaasi waxa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

 

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here