Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Gelinta Ee Degmada Dila ee gobolka Awdal + Sawiro

0
487

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Gelinta Ee Degmada Dila ee gobolka Awdal.

Dilla-12-11-2019-(SL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Degmada Dilla ee Gobolka Awdal, halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Afhayeenka madaxweynaha Jsl Maxamuud Warsame Jaamac.

 

Iyagoo uu Madaxweyne ku xigeenku xadhiga ka jaray Biyo gelin lagu sameeyey Degmada Dila oo ay Fulinaysay Hay’adda Welt Hunger Hilfe (WHH) oo laga leeyahay Waddanka Jarmalka, mashuucan oo muddo badan soo socday ayaa waxa uu hadda noqday mid dhamaaday islamarkaana si toosa ay biyuhu usoo gaadheen Magaalada iyo Tuulooyinka ay maamusho, waxaanay hay’addu maanta ku wareejiysay maamulka biyahaasi Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo iyaduna kala wareegtay.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyey munaasibad balaadhan oo loo sameeyey xadhiga ka jarista mashruucaasi ayaa yidhi “Ilaahay baan ugu mahad naqaynaa maanta inaan halkan isugu nimaadno innagoo caafimaad qabna, islamarkaana u dabaal degayna biyo gelintii degmada dila iyo nawaaxigeeda, oo muddo badan sida la wada sheegay aad loo sugayey inta badana lagu dedaalayey sidii biyo loo geli lahaa laakiin se abuurka dhulka dhibaato badan lagala kulmay oo qeyb ka qaadatay dibu dhaca biyaha dila”

 

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Horumarkii waxaa mar walba inaga jeedinaya buuqyadaa dadkeenii iyo deeganadii maalin walba waxaan macno lahayn isku haystaan, innagana waxbaa laynaga sheeg sheegayaa annigu ku dheeraan maayo oo wasiiradii iga horeeyey baa ka hadlay, Boorama maanta waxaan belaayo ahayn oo ka maqani ma jirto, magaalo la wada majeeranayo Somaliland iska daayoo deegaamadii Soomaalida oo dhami isha kusoo hayaan weeyaan markaa caqligu inuu shaqeeyo ayaa loo baahan yahay.

Ugu Danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu Shahaado sharafyo gudoonsiiyey dadkii ugu mudnaa ee ka shaqeeyey mashruucaasi sidii uu u hirgeli lahaa, waxaana uu Bulshada reer Dila kula dardaarmay inay ilaashadaan mashruucaasi lacagta badani ku baxday islamarkaana ay wakhtiga badan usoo samrayeen.

Wa bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here