Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Shirkada Caalamiga Ah Ee Samsung + Sawiro

0
114

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Shirkada Caalamiga Ah Ee Samsung

 

Hargeysa-22-10-2019-(SL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Shirkada Caalamiga ah ee  Samsung oo ay dalka keentay Shirakada Dahabshiil Group.

 

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay daah-furka Shirkadaasi islamarkaana lagu soo dhaweynayey ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka isagoo halkaasi  ka sheegay inay soo dhaweynayaan shirkada Samsung oo kamida Shirkadaha ugu caansan dunida, ka xukuumad ahaana ay door weyn siinayaan maalgashiga iyo horumarinta wax kasta oo dalka iyo dadka dan u ah islamarkaana ay ku dedaalayaan suurta galnimada horumarka noocan oo kale ah.

 

Waxaana uu Shirkada Dahabshiil Group iyo Mulkiilaheeda Madaxed Siciid Ducaale uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay Bulshada ugu jiraan, shirkadanina ay tahay mid wax weyn ka bedeli doonta horumarka waddanka.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here