Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qarankaba ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Kornayl Claahi Cige Muuse (Obsi) oo caawa ku geeriyooday Hargeysa

0
104
Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qarankaba ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Kornayl Claahi Cige Muuse (Obsi) oo caawa ku geeriyooday Hargeysa
TACSI MADAXWEYNE: 17/10/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 17/10/2019, magaalada Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dalka iyo dadkaba taariikh ku lahaa laguna xasuusan doono kaalintii uu ku lahaa xornimada Somaliland, dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo xukuumaddii Marxuum Cigaal soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanu ka tirsanaa ciidamadii cirka ee dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoo iskaga tegay kuna biiray ururkii SNM oo uu ka mid noqday mujaahidiintii salka u dhigay, kana midha dhaliyey ujeedadii loo aas-aasay.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here