Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shirweyne Lagu Gorfaynayo Qoondada Haweenka + Sawiro

0
74

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shirweyne Lagu Gorfaynayo Qoondada Haweenka

 

Hargeysa-16-10-2019-(SL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb-galay shirweynaha hirgelinta qoondada haweenka oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

 

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee qaranka, ayaa shirweynahan lagu gorfaynayo sidii haweenka loogu samayn lahaa kooto gaar ah oo ay ku yeeshaan goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxana uu tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay hirgelinta qoondada haweenka, si loo hirgeliyo jawi ay haweenku si furan dhexdooda ugu tartami lahaayeen xilal gaar loogu xidhay.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here